Faahfaahin ka soo baxaysa dad lagu diley maanta magaalada Muqdisho

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan dil loogu geydtey maanta magaalada Muqdisho labo dhalinyaro ah.

Weerarka lagu diley labadan dhalinyarada ah ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay qof kale oo la sheegay inuu la socday dhalinyaradan.

Dilka ayaa ka dhacay suuqa bakaaraha gaar ahaan boosteejo laga raaco gaadiidka iyadoo dadkii ka dambeeyay dilka dhalinyaradan ay baxsadeen.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in labada wiil ee dhalinyarada ah ay ka tirsanaayeen ciidamada nabadsugida gaar ahaan kuwo loo yaqaan dhar cad,hase yeeshee ma jiro warar rasmi ah oo xaqiijinaya sheegashada.

Ammaanka caasimada dalka ayaa sii xumaanaya iyadoo maanta ay ka dhaceen labo qarax oo lala beegsaday mas’uuliyiin ka tirsan dowlada federalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More