Faahfaahin ka soo baxaysa dagaal ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb

Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan iskahorimaad hubeysan oo ka dhacay bar koontarool oo laga ilaaliyo garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Dagaalka oo socday muddo saacad ah ayaa ka dhacay meel u dhexeysa deegaanada Ceeldheere iyo Tuulo Xaayow ayaa waxaa ka dhashay qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Sarkaal u hadlay ciidamada dowlada ayaa sheegay inay ku dileen dagaalkan illaa 15 dagaalame isla markaana laga furtay illaa 10 qori oo ah hubka fudud.

Dhinaca kale dagaalamayaasha Alshabaab ayaa sheegtay in ay ku dileen dagaalkan siddeed ka mid ah ciidamada dowlada.

Hase yeeshee dad ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in hal askari uu ka dhintey ciidamada dowlada halka dagaalamayaasha Alshabaabna ay ka dhinteen siddeed dagaalame.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More