Faahfaahin ka soo baxaysa dagaal ka dhacay gobolka Hiiraan

Iskahorimaad hubeysan oo u dhexeeya ciidamada Milatariga iyo dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ayaa ka dhacay deegaan u dhexeeya magaalooyinka Jalalaqsi iyo Buuloburte ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda Soomaaliya ay weerar ku qaadeen fariisimo ay Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Ceelbacad ee gobolka Hiiraan, waxaana ka dhacay dagaalka foolka fool ah oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Odowaa Yuusuf Raage oo ku sugan deegaano ka tirsan Hirshabelle ayaa sheegay in dagaalkan kooxda Al-Shabaab looga dilay ugu yaraan illaa 25 dagaalame, welina ay wadaan tirakoobka khasaaraha dagaalkaasi.

Dagaalo u dhexeeya ciidamada dowlada iyo kuwa Alshabaab ayaa sidoo kale ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabelaha Dhexe.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More