Faahfaahin ka soo baxaysa dagaal ka dhacay magaalada Qoryooley

Sep 01 (Jowhar.com)-Wararka ka imanaya magaalada Qoryooley ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Alshababa ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidanka dowladda iyo kuwa ATMIS ku lahaayeen degmadaasi.

Dagaal Xoog leh ayaa ka dhacay gudaha magaalada Qoryooley iyadoo dagaalkana uu ahaa mid la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,waxaana jira qasaare soo gaaray dad rayid ah.

War kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu shaaciyay in ciidanka dowladda iyo kuwa ATMIS ay dileen in ka badan 30-dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab, auma sidoo kale ciidanka bur buriyeen gaadiid qaraxyo lagu soo raray.

“In ka badan 30 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga oo ka dhacay degmada Qoryoolay ee Gobolka Shabeellaha Hoose.”ayaa lagu yiri war ka soo baxay dowlada federalka Soomaaliya.

Magaalada Qoryooley ayaa waxaa haatan gacanta kuhaya ciidamada dowlada iyokuwa ATMIS iyadoo dib ay uga baxeen dagaalamayaashii Alshabaab ee weerarka soo qaaday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More