Faahfaahin ka soo baxaysa dagaal saaka ka dhacay deegaan ka tirsan Afgooye

Wararka ka imanaya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Alshabaab ay weerar xoog leh ay ku soo qaadeen deegaanka Sabiid oo illaa 8km dhinaca koofur kaga beegan degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Dagaal xoog leh ayaa ka dhacay deegaank Sabiid iyadoo ciidamada dowlada ee halkaa ku sugan iyo dagaalamayaasha Alshabaab uu dagaal xoog leh ku dhex maray,waxana la sheegay in dagaalka uu ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Alshabaab ayaa baraheeda bulshada waxa ay ku daabacday inay la wareegeen deegaanka Sabiib,hase yeeshee saraakiil u hadashay ciidamada dowlada ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka ay ku soo qaadeen Alshabaab.

Deegaanka Sabiib ayaa waxaa hore dhowr jeer uga dhacay iskahorimaad hubeysan oo dhex maray ciidamada dowlada iyo kuwa Alshabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada dowladda ku leeyihiin Buundada Sabiib, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa sheegay inay dagaalka Al-Shabaab khasaaro ku garsiiyeen, balse Al-Shabaab ayaa warar ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxaa ay ku sheegteen inay la wareegeen degaanka Sabiit oo hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Warkan kasoo baxay Ururka Al-Shabaab ee ku aadan inay dagaal kula wareegeen degaanka Sabiid ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaan weli ka hadlin saraakiisha Cidiamada dowladda Soomaaliya & Maamulka degmada Afgooye.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More