Faahfaahin ka soo baxaysa Dhul- Gariir saaka  ku dhuftay dalka Jabuuti

Sep 28 (Jowhar.com)-Waxaa soo baxaya faahfaahin la xiriirta dhulgariir cabirkiisu yahay 5.2 magnitude saaka waaberigii ku dhuftay dalka Jabuuti .

Wararka ayaa sheegaya in dhul-garirkan uusan sababin bubur dhismayaal ah mana jirto dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dhul gariirka.

War ka soo baxay wasaaradda waxbaarashada ee dalka Jabuuti ayaa lagu shegay in ardayda dhamaan laga fasaaxay dhugsiyada waxbarashada.

Sida laga soo xigtay bogga internet-ka ee hikersbay.com markii ugu dambeysay ee Jabuuti uu dhul gariir ku dhufto waxay ahayd 15 sano ka hor maalin Talaado ah, bishuna ay tahay Abriil 29, 2008 abaare 3:07 aroornimo. Dhul gariirkan ayaa cabirkiisa lagu qiyaasay 5 magnitude.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More