Faahfaahin ka soo baxaysa dil ka dhacay Muqdisho

Ciidamadda dowladda iyo rag hubeysan oo ku dagaalamay magaalada Muqdisho

April 16 (Jowhar.com)-Labo ruux oo rayid ah ayaa lagu diley degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho iyadoo dilka raggana uu ka dambeeyay askari ka tirsan ciidamada dowlada.

Ragga la dilay oo magacyadooda lagu kala sheegay Cabdi Nuur Sandheere (Cabdi Gedow) iyo Cabdullaahu Cusmaan Shidane ayaa ka mid ahaa dadka degen degmada Deyniile.

Lama oga sababta keentay dilka labada ruux hase yeeshee waxaa soo baxaya warar sheegaya in dilka uu la xiriiro khilaaf dhinaca dhulka ah.

Ninka ka dambeeyay dilka  ayaa la sheegay in goobta si deg deg ah uga baxsaday, waxaana goobta dilka uu ka dhacay gaaray ciidamo Boolis ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More