Faahfaahin ka soo baxaysa dil xalay ka dhacay Laascaanood

Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Cilmi oo loo yiqiin Cardoofe oo kamid ahaa Golaha deegaanka ee magaalada Laascaanood ayaa dabley hubeysan xalay ku dileen magaalada uu ka mid ahaa mas’uuliyiinteeda.

Koox hubeysan ayaa ku toogatay xildhibaanka bannaanka gurigiisa ka dibna goobta ka baxsaday.
Xildhibaanka ayaa ka mid ahaa xildhibaanadii sanadkaan kusoo baxay doorashooyinka golaha degaanka ee ka dhacay Somaliland.

Qaar ka mid ah dadweynaha ku nool magaalada Laascaanood ayaa banaanbax hubeysan ka dhigey bartamaha magaalada iyagoo ka soo horjeeday waxqabad la’aanta maamulka magaalada iyo amni darrada.

Dadka banaanbaxayay ayaa waxa ay dalbadeen in cadaaladda la horkeeno dadkii ka dambeeyay dilkaas. Magaalada Laascaanood ayaa hore waxaa uga dhacay dilal lala beegsanayo mas’uuliyiinta maamulka Somaliland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More