Faahfaahin ka soo baxaysa duqeyn uu ka geystey Maraykanka gudaha Afghanistan

Diyaaradaha dagaalka dowlada Mareykanka ayaa weerar dhinaca cirka ah oo u muuqday aargoosi ka fuliyay gudaha dalka Afganistan gaar ahaan goobo ay ku tuhmeyso kooxda Khilaafada Islaamka ee Daacish.

Duqeynta ayaa lala beegsaday goobo bartilmaameed ah oo ku yaala gobolka Nangarhar ee dalka Afganistan, war kasoo baxay dowlada Mareykanka ayaana lagu sheegay in duqeynta lala helay bartilmaameedkii lala eegtay.

War kasoo baxay milatariga Mareykanka ayaa lagu sheegay in duqeynta ogaalkood aysan khasaaro kasoo gaarin dad shacab, waxaana socda qiimeynta khasaaraha duqeynta lala eegtay kooxda Daacish.

Duqeynta ciidamada Mareykanka ka fuliyeen gudaha Afganistan ayaa ahaa mid aargudasho ah oo dowlada Mareykanka uga jawaabeysay weerarklii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay garoonka Kabul oo lagu dilay ku dhawaad 100-qof ay ku jiraan 13-askari oo Mareykan ah.

Kooxda Daacish ee ka dagaalanta gudaha Afganistan ayaa sheegatay masuuliyada qaraxyadan lagu hoobtay ee labo maalin kahor lagu qaaday albaabada laga galo garoonka diyaaradaha magaalada Kabul.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More