Faahfaahin ka soo baxaysa iskahorimaad hubeysan oo xalay ka dhacay degmada Balcad

Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowlada ayaa xalay fiidkii iskahorimaad hubeysan ku dhex maray degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Iskahorimaadkan ayaa la sheegay inuu u dhexeeyay ciidamo ku sugnaa bar koontarool oo ku taal dhinaca koofureed ee magaalada Balcad iyo ciidamo ilaalo u ah guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Furdug.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada ku sugneyd barta koontarool ee laga soo galo magaalada Balcad ay ka shakiyeen gaadiid tikniko ah oo dooneysay inay gudaha u soo galaan magaalada kuwaasoo nalalka u dansanaa.

Iskahorimaadka oo la isu adeegsaday hub culuculus ayaan ka dhalan wax khasaare ah.hase yeeshee waxaa ay argagax geliyeen dadka ku nool magaalada Balcad oo hore dhowr jeer ay u soo weerareen dagaalamayaasha Alshabaab.

Weerarkii ugu dambeeyay ee Alshabaab ay ku soo qaadaan magaalada Balcad ayaa waxaa ku dhintey ciidamo iyo dad rayid ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More