Faahfaahin ka soo baxaysa meydka haweeney laga helay suuli magaalada Baydhabo

June 05 (Jowhar.com)-Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ee xarunta kumeelgaarka ah maamulka Koofurgalbeed ayaa sheegaya in meydka haweeney lagu magacaabi jirey Aamino Maxamuud laga dhex helay suuli ku yaal guri ku yaal magaalada Baydhabo.
Ciidamada Booliska Koofurgalbeed iyo ehelada haweeneydan ayaa muddo saddex cisho ah raadinayay raq iyo ruux meel ay dhigtey balse ugu dambeyntii gelinkii dambe ee Axada ayaa la helay meydkeeda oo ku dhex jira boosaneerka musqul guri ku yaal magaalada Baydhabo.

 

Wararka ayaa waxa ay intaa ku darayaan in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen nin la aaminsan yahay inuu ka dambeeyay falka dilka haweeneydan. Dhacdadaan ayaa argagax ku noqtay ehelka iyo dadka ku nool aagga laga helay meydka Aamino Maxamuud

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More