Faahfaahin ka soo baxaysa nabadoon lagu diley magaalada Muqdisho

Nabadoon caan ahaa oo magaciisa lagu sheegay Xasan Maxamed Cilmi Fariid ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaas ay ku fureen koox bastoolado ku hubeysan duhurnimadii maanta degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in nabadoonka lagu weeraray xilli uu ka soo baxayay masjid ku yaal degmada Deyniile oo uu ku soo tukaday salaada Duhur.

Kooxda weerartay nabadoonka ayaa goobta ka baxsaday kadib markii ay toogteen nabadoonka waxaana goobta gaaray ciidamo boolis ah iyo kuwa nabadsugid ah.

Allaha u naxarisitee Nabadoon Xasan Fariid ayaa caan ka ahaa degmada Deyniile waxana uu ahaa nin isboortiska jecel isagoo ka mid ahaa ciyaartoydii ciyaaraha fudud.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More