Faahfaahin ka soo baxaysa qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Qarax ka dhashay qof isku soo xirey waxyaalaha qarxa ayaa ka dhacay maqaaxi ku taal meel ku dhow Xerada Nacnaca oo lagu tababaro ciidamada.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxan lala beegsaday dhalinyaro ku sugnaa goobta maqaaxida ah.

Afar ruux ayaa ku dhimatay halka toban kaana ay ku dhaawacmeen qaraxa ismiidaaminta iyadoo dad badan oo dhaawac ah la geeyay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa toddobaadkan waxaa ka dhacay qaraxyo sababay dhimasho iyo dhaawac kuwaasoo ay sheegteen Alshabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More