Faahfaahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay duleedka bari magaalada Jowhar

Ugu yaraan Labo askari ayaa ku geeriyootay dhowr kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii ay miino la qaraxday gaari ay saarnaayeen duleedka bari ee magaalada Jowhar.
Gaariga ay miinada la qaraxday ayaa ka mid ahaa gawaari ku sii jeeday deegaanka Qoordheere oo ka tirsan degmada Raagge Ceelle.

Kolonyada gaadiidka ayaa waxaa mas’uuliyiintii la socotay ka mid ah Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan.

Wararka ka imanaya deegaanka Qoordheere ayaa sheegaya in dagaal xoog leh uu ku dhex maray ciidamada dowlada iyo dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab.

Qaar ka mid ah dadka ku nool deegaanka Qoordheere ayaa sheegay inay haatan la wareegeen gacan ku haynt adeegaankaas ciidamada dowlada Soomaaliya.

Dhinaca kale dagaal maanta ka dhacay magaalada Jowhar ayaa joogsaday kadib markii ay isaga baxeen magaalada maleeshiyaadka Macawisleyda ee gudaha u soo galay magaalada saaka.

Illaa lix ruux oo isiugu jira ciidamo iyo dad rayid ah ayaa ku geeriyootay iskahorimaadkan maanta ka dhacaymagaalada Jowhar.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More