Faahfaahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay duleedka degmada Mahaday

Dec. 22 (Jowhar.com)-Ugu yaraan afar askari ayaa ku geeriyootay 3 kalana waa ay ku dhaawacantay kadib markii gaari nooca Cabdi Bilaha loo yaqaan ay miino kula qaraxday duleedka degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe.

Gaariga miinada la qaraxday ayaa ka mid ahaa kolonyo gaadiid ah oo gelbineysay raashin ay hay’adda Maareynta masiibooyinka ugu talogashay degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe.

Askarta ku geeriyootay qaraxan ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa sarkaal magaciisa lagu sheegay Cabdirashiid oo caan ka ahaa degmada Mahaday iyo nawaaxigeeda.

Ciidamadii la socday kolonyada gaadiidka ee ka badbaaday qaraxa ayaa baaritaan ka sameeyay deegaanka u dhow halka uu qaraxu ka dhacay.

Qaraxan ayaa ku soo beegmay xilli ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay ku sii durkayaan degmaad Ruun Nirgood oo ah degmada kaliya ee ay Alshabaab ka joogaan gobolka Sh/dhexe iyo guud ahaan Hirshabelle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More