Faahfaahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay magaalada Baydhabo

Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku geeriyootay 15 kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib qarax ka dhacay suuqa qaadka lagu iibiyo ee magaalada Baydhabo.

Qaraxa ayaa la dhigay Bartamaha suuqa Qaadka lagu iibiyo xilli dad badan ay ku sugnaayeen gudaha suuqa,balse lama sheegin nooca uu ahaa qaraxu.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa la geeyay isbitaalka magaalada Baydhabo iyadoo dadka dhaawacyada soo gaaray ay ka mid yihiin haween iyo carruur.

Mas’uuliyiin u hadashay maamulka gobolka Bay ayaa waxa ay ku eedeeyeen in qaraxa ay ka dambeeyeen ururka Alshabaab.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa ah mid aan wanaagsanayn iyadoo qaraxyada loo geysto goobaha ganacsiga ay tahay hore uga dhacay magaalada Baydhabo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More