Faahfaahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay magaalada Boosaaso

Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in uu ka dhacay qarax goob ganacsi.

Qaraxan ayaa waxaa uu geystey khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,hase yeeshee lama xaqiijinta tirada dadka wax ku noqday qaraxan.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxa uu ka dhacay goob dadku ay ku qayilaan oo ku taal meel ku dhow garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso.

Qaraxan ayaa ah kii labaad ee ka dhaca maanta dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalooyinka loo asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka. Barqanimadii maanta ayaa qarax ismiidaamin ah waxa uu ka dhacay magaalada Beledweyne waxaana qaraxaasi ku dhintey dad ka badan toban ruux halka dad ku dhow soddon kalana ay ku dhaawacmeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More