Faahfaahin ka soo baxaysa Qarax uu ku dhintey Wadaad caan ah magaalada Kismaayo

Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in qarax ka dhacay Isgoyska Somali Star ee Xaafada Calanleey ee Magaalada Kismaayo uu ku dhintey Sheekh Cabdinaasi Xaaji Axmed oo ahaa wadaad caan ah.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa mid loogu xirey gaari uu watay wadaadka iyadoo geerida Sheekh Cabdinaasir ay aad uga naxeen dadka yiqiin wadaadka.

Dowlada Federalka ayaa ka hadashay dilka Sheekh Cabdinaasir waxaana qoraal uu soo dhigey bartiisa Wasiirka Warfaafinta dowlada federalka uu ku cambaareyay dilka Sheekha.

“Ilaahay ha u naxariisto Sheekheenii weynaa ee Sheekh Cabdinasir Xaaji Axmed oo goordhoweyd qarax lagu dilay magaalada Kismaayo oo uu tegey wacdi iyo muxaadarooyin. Ilaahay ha u naxariisto Sheekh Cabdinasir.” ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiirka warfaafinta Dubbe.

Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed ayaa ahaa sheekh u taagnaa faafinta diinta iyo wacyigalinta dadkeenna, waqtigiisa inta badanna ku bixiyay fidinta diinta Islaamka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More