Faahfaahin ka soo baxaysa sun ku daatay waddo ku taal magaalada Garowe

Duqa magaalada Garowe Axmed Siciid Muuse ayaa faahfaahin ka bixiyay kiimiko ka daadatay Booyad mareysay Bartamaha magaalada Garowe taasoo sababtay in qaar ka mid ah dad ku agdhawaa goobta ay ku daadatay kiimikada.

Qoraal uu soo saaray duqa magaalada Garowe ayaa lagu sheegay in 3 ruux oo midkood uu yahay askari katirsan Ciidanka Booliiska neefta ku dhegtay lana dhigay Isbitaalka guud ee Magaalada Garoowe.

Sidoo kale Duqa magaalada Garowe ayaa waxa uu ka warbixiyay sababta keentay in kiimikadan ay ku daadato wadada.

“Kiimikada waxaa laga soo qaaday Warshadda Isbuunyada ee Tabaarak, taasoo dhowaan dab xoog leh dhibaato weyn u geystey. Booyaddu ma ahayn mid loogu talo galay inay kiimikada qaado sidaa awgeed ayay dhincyada ka dalooshantay. Dad badan oo laamiga ku ganacsanayey ama marayey ayaa ka sheegtay indho iyo dhuun xanuun, waxaa la sheegay in dadka qaar suuxeen”

Dowladda hoose ayaa geyska gawaarida dab damiska ah wadadii kiimikada ku daadatay iyagoo ka bilaabay dhaqis iyo nadiifin sunta ku daadatay wadada.

Ciidamada ammaanka ayaa xabsiga dhigey wadihii gaariga booyada isagoo lagu eedeeyay mas’uuliyad darro ah in booyad duleesha lagu soo raro Kiimiko lana dhexmarayo Bartamaha Magaalada xarunta u ah dowlad goboleedka Puntland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More