Faahfaahin qarax ka dhacay goordhow magaalada Muqdisho

Qarax ayaa goordhaw ka dhacay meel ku dhow isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho, wadada aada dhinaca garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Wararka ka imanaya goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegaya in qaraxan uu ahaa mid lala beegsaday sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada balse uu ka badbaaday.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Gaashaanle Sare Maxamed Ibraahim ayaa la sheegay in qaar ka mid ah ilaaladiisa ay ku dhaawacmeen qaraxa.

Weerarada miinada dhulka la dhigo ayaa mararka qaarkood ka dhaca magaalada Muqdisho iyadoo qaraxyadaana lala eegto ciidamada dowlada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More