Faahfaahin Qarax ka dhacay saldhigga Booliska magaalada Beledweyne

Ugu yaraan labo ruux ayaa ku geeriyootay tiro kalana waa ay ku dhaawacantay kadib markii qarax ka dhacay gudaha saldhigga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Qaraxan ayaa waxaa ku dhintey Duqii deegaanka Feer-feer Khaliif Muumin Garaad iyo Haweeney Maqaayad ku laheyd Saldhiga gudahiisa ayaa ku dhintay qaraxa miino.

Sidoo kale qaraxa waxaa ku dhawacmay Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Baladweyne Laba xidigle Maxamed Maxamuud Qoorsheel,sarkaal ka tirsanaa maamulka Feerfeer iyo askar boolis ah oo ka tirsanaa saldhiga booliska Beledweyne.

Majiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Hiiraan iyadoo lagu wado in magaalada Beledweyne ay ka dhacdo doorashada golaha shacabka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More