Faahfaahino ka soo baxaya dagaal xalay ka dhacay magaalada Muqdisho

Dagaalamayasha Alshabaab ayaa xalay weerar ku qaaday saldhigga booliska degmada Kaxda iyo xarumo kale oo ku yaal Ceelasha Biyaha iyo Degmada Heliwaa.

Dagaal ku bilowday qarax ayaa ka dhacay saldhiga degmada Kaxda iyadoo halkaasi lagu weeraray gaari waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay iyadoo dagaal xoog leh kadib uu halkaas ka dhacay.

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa u suurtogashay inay muddo la wareegaan saldhigga ay weerareen waxayna gubeen qeybo ka mid ah saldhigga iyagoo kadibna hore u sii kaxeystay labo gaari oo ka mid ah gaadiidkii yiil saldhigga.

Ma jiro war rasmi ah oo xaqiijinya khasaaraha ka dhashay dagaalka balse waxaa jiro waxyeelo soo gaartay ciidamadii dagaalamayay iyo weliba dad rayid ah.

Sidoo kale waxaa xalay uu dagaal ka dhacay saldhig ay ciidamada dowlada ku lahaayeen Xaafada Daaru-salaam ee Gobolka Banaadir iyo weerar lagu qaaday guri uu degenaa guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Degmada Huriwaa Axmed Nuur Adeeroow.

Booliska Soomaaliya ayaa goor dambe sheegay in la iska difaacay weerar ay Al-Shabaab kusoo qaadeen saldhigga booliska degmada Kaxda iyo xaafadda Daarusalaam.

Deegaanada Ceelasha Biyaha iyo Calamada ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa kamid ah goobaha weerarada ay xalay ka dhaceen kadib markii Al-Shabaab ay weerareen.
Qoraal kooban oo uu soo dhigey bartiisa facebook Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayuu u qornaa sidan;

“Kooxaha argagixisada waxaa ay caawa abaare 1:00am weerar kusoo qaadeen daafaha magaalada Muqdisho, balse ciidamada amniga ayaa ka difaacay shacabka kooxa nabad diidka ah, faahfaahinta isku dayga cadowga waxaa shacabka lawadaagi doonoa dhawaan ciidanka Booliska Dalka.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More