Faahfaahino ka soo baxaya qaraxyo maanta ka dhacay Muqdisho

Labo qarax oo nooca dhulka lagu aaso ah ayaa ka dhacay saakamagaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya iyadoo qaraxyadaana lala eegtay gaadiid.

Qaraxa hore ayaa ka dhacay laamiga Warshadaha gaar ahaan agagaarka Wasaarada Gaashaandhiga, waxaana qaraxaasi lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo milatari ah.
Wararka ayaa sheegaya in ay qasaare ka soo gaartay askartii saarneyd gaariga qaraxa lala eegtay.

Qarax kale ayaa ka dhacay degmada Deyniile iyadoo lala eegtay gaari uu la socday Xoghayaha Degmada Dayniile Mahad Sharaawe oo marayay agagaarka xarunta Degmada Dayniile.

Qaraxan ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay qof shacab ah waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad kale, mana jiro wax khasaaro ah oo qaraxan kasoo gaaray Xoghayaha Degmada Dayniile.

Qaraxyada miino ayaana kusoo badanaya magaalada Muqdisho, waxaana qaraxyadan inta badan lala eegtaa gaadiidka ay wataan masuuliyiinta iyo ciidanka dowlada

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More