Faahfaahino ka soo baxaya saraakiil ka tirsan ciidamada Milatariga oo lagu diley Galgaduud

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya ciidamo milatari ah oo weerar gaadmo ah lagu qaaday iyagoo ku safrayay deegaan ka tirsan gobolka Galgaduud ee dowlad goboleedka Galmudug.

Afar sarkaal oo ka tirsan ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa lagu dilay deegaanka Ballihawd ee gobolka Galgaduud kadib markii ay wadada u galeen maleeshiyaad hubaysan oo hab beelleed u abaabulan sida ay saxaafada u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka.

Ciidamadan la weeraray ayaa waxa ay ka tirsanaayeen qeybta 21aad iyadoo sidoo kalana ay ku dhaawacmeen lix ruux oo isugu jirta ciidamo iyo maleeshiyaadkii weerarka geystey.
Ciidamadan la weeraray ayaa ka tegey degmada Guriceel iyagoo ku sii jeeday degmada Cabudwaaq balse waxa uu weerarkan haleelay xilli ay marayeen deegaanka BalliHawd.

Deegaanada u dhexeeya Guriceel iyo Caaduwaaq ayaa mudooyinkii dambe laga soo sheegayay in ay ka jiraan xiisado u dhexeeya beelaha halkaasi wada dega.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ayaan ka hadlin weerarka lagu dilay saraakiisha ka tirsan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More