Fahad Yaasiin oo ku guuleystey doorashada Kursiga HOP 86

Doorashada qaar ka mid ah kuraasta deegaan doorashadoodu tahay magaalada Beledweyne oo goordhow bilaabatay ayaa waxaa kursigii u horeeyay ku guuleystey Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo hore u ahaa Agaasimihii Hay’ada Nabadsugida Qaranka kadib markii uu helay codad gaaraya 70 -cod halka musharaxii la tartamayay Axmed Dayib Axmed uu ka helay 24 cod waxaa xumaatay 3 cod iyadoo guud ahaan tirada ergada ay ahayd 97.

Kursigan ayaa waxaa hore ugu fadhiyay Faarax Sheekh Cabduqaadir oo haatan howlo caafimaad dalka ugaga maqan.

Fahad Yaasiin ayaa ah La-taliyaha amniga Qaranka ee Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ammaanka magaalada Beledweyne ayaa maanta aad loo adkeeyay waxaana la xirey dhammaan wadooyinka iyo labada buundo ee dadka ay isaga tallaabaan magaalada.

Magaalada Beledweyne ayaa shalay waxaa ka dhacay qarax sababay geerida dad ku dhow labaatan ruux halka soddon kalana ay ku dhaawacmeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More