Fanaanada Khadra Daahir Cige oo caawa ku geeriyootay magaalada Hargeysa.

July 02 (Jowhar.com)-Alle ha u naxariiste waxaa caawa magaalada Hargeysa ku geeritiyootay fanaaanada caanka ah ee Khadra Daahir Cige, sidaas waxaa xaqiijiyay ehelkeeda.

Sida wararku sheegayaan, marxuumad Khadra Daahir ayaa maalmihii la soo dhaafay ku xanuunsaneysay Isbitaalka International, iyadoo aan wali faah faahin buuxa laga bixin xanuunka ay u geeriyootay.

Khadra Daahir Cige ayaa sannadkii 1957-dii ku dhalatay magaalada Hargeisa, iyadoo heestii koowaad ee afka lagama sheegto qaaday 1974.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More