Faransiiska oo Diblumaasiyiintiisa iyo ciidamadiisa kala baxaya dalka Niger

Sep 24 (Jowhar.com)-Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in Faransiisku uu kala soo bixi doono dalka Niger safiirkooda, isla markaana ay joojin doonaan dhammaan wada shaqayntii militari ee kala dhaxeysay Niger kadib afgambi ka dhacay dalkaas.

“Faransiiska waxay go’aansatay inay kala baxdo safiirkeeda, saacadaha soo socda safiirkeena iyo dhowr dublamaasiyiin ayaa ku laaban doona Faransiiska,” ayuu yiri madaxweynaha.

Waxa uu intaa ku daray in wada shaqayntii millatari ay dhamaatay ciidamada Faransiiskuna ay bixi doonaan bilaha soo socda.

Milatari ayaa qabsaday dalka Niger 26-kii July, iyagoo xilka ka qaaday Madaxweyne Maxamed Bazoum.

Go’aankan ayaa daba socda cadaawad iyo mudaaharaadyo bilihii lasoo dhaafay socday oo looga soo horjeeday joogitaanka Faransiiska ee dalkaasi, iyadoo banaanbaxyo joogto ah ay ka dhaceen caasimadda Niamy.

Talaabadan ayaa dhabar jab ku ah howlgallada ka dhanka ah argagixisada ee Faransiiska uu ka wado gobolka Saaxil iyo saameynta Faransiiska uu ku leeyahay gobolka, balse Mr Macron ayaa sheegay in Faransiiska aanay afduub ahaan u qabsan doonin kooxaha xagjirka ah, isagoo la hadlayay telefishinnada Faransiiska ee TF1 iyo France 2.Dalka Niger waxaa jooga ku dhawaad ​​1,500 oo askari oo Faransiis ah.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa sheegay in uu Mr Bazoum, oo hadda maxbuus u haystaan ​​hoggaamiyayaashii afgambiga, u arkayay in uu yahay maamulka keliya ee sharciga ah ee dalkaas, uuna ku wargeliyay go’aankiisa. Wuxuu ku tilmaamay madaxweynaha xilka laga qaaday inuu yahay mid la hayste ah.

Hogaamiyayaasha militariga Niger ayaa u sheegay safiirka Faransiiska Sylvain Itte inuu ku qasbanaaday inuu dalka isaga tago kadib markii ay afgambiyeen Mr Bazoum 26-kii July.

Si kastaba ha ahaatee, 48 saacadood oo kama dambays ah oo uu ku baxayo, oo la soo saaray bishii Agoosto, ayaa la soo dhaafay iyada oo dawladda Faransiisku ay diiday inay u hoggaansanto, ama ay u aqoonsato nidaamka militariga inuu yahay mid sharci ah.

Hadalka Mr Macron ayaa sidoo kale imaanaya saacado kadib markii hogaamiyayaasha afgambiga Niger ay ka mamnuuceen diyaaradaha Faransiiska laga leeyahay inay dul maraan hawada dalkaasi.

Ururka badbaadada hawada ee gobolka, ASECNA, ayaa sheegay in hawada Niger ay u furan tahay dhammaan duullimaadyada ganacsiga qaranka iyo kuwa caalamiga ah marka laga reebo diyaaradaha Faransiiska ama diyaaradaha u kiraysan Faransiiska oo ay ku jiraan kuwa diyaaradda Air France.

Diyaaradda Air France ayaa wakaaladda wararka ee AFP si fudud ugu sheegtay in aanay ku duulin hawada Niger

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More