Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo u safray dalka Qatar

Mar 5 (Jowhar.com)-  Madaxweynaha mudo xilleedkiisu uu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta safar ugu ambabaxay magaalada Doxa ee xarunta dalka Qatar.

Qoraal ka soo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in soocdaalka madaxweynaha uu qaadan doono mudo laba maalin ah, isagoo halkaasi kula kulmi doona Amiirka dalka QaTar Mudane Tamim bin Hamad Al Thani iyo mas’uuliyiin kale oo sar sare.

Farmaajo iyo Tamim bin Hamad Al Thani ayaa yeelan doona wada hadallo lagu gorfaynayo xoojinta xiriirka soojireenka ah iyo horumarinta iskaashiga ku qotoma is-ixtiraamka, wax wada qabsiga iyo horumarinta danaha qaran ee labada dowladood iyo labada shacab ee walaalaha ah.
Dowladda Qatar ayaa dadaalkeeda ku bixineyso sidii xukunka dib loogu soo celin lahaa Farmaajo, iyadoo Safarkan kii ka horeeyay Farmaajo dalkaasi ku tegay daba-yaaqadii bishii November ee sanadkii hore ee 2021.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More