Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliso Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Seynab Cabdi Macallim.

Ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kaddib martiqaad uu kaga qayb galay Munaasabadda Caleemasaarka dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yuweri Museveni.

Farmaajo ayaa intii uu Kampala ku sugnaa waxa uu kulan doceedyo la qaatay qaar ka mid ah madaxdii lagu casuumay Caleemasaarka madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni.

Munaasabada caleemasaarka Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa waxaa ka qeybgalay in kabadn toban madaxweynayaal iyo ra’iisul wasaarayaal isugu jira oo ka socda wadamada qaarada Afrika iyo marti kale oo lagu casuumay munaasbada dhaarinta Museveni.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More