Farmaajo oo digniin adag u diray baarlamaanka Soomaaliya

Oct 20 (Jowhar.com)- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa digniin u diray baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la filayo in loo gudbiyo heshiiskii ay horey u wada gaareen Madasha Wada tashiga Qaranka.

Heshiiskaas oo u gogol xaaraya in la hirgeliyo Soomaaliya hanaan doorasho oo mideysan oo qof iyo cod ah ayaa wax ka bedelaya hab-dhiska hay’adaha dowladda Soomaaliya, iyada oo laga guurayo hanaanka baarlamaaniga ah.

Waxaa sidoo kale la baabi’in doonaa xafiiska raysal wasaaraha iyada oo la abuurayo xafiiska madaxweyne xigeen. Waxa uu sidoo kale heshiiskaas oo muddo kordhin u sameeyay dowlad-goboleedyada ayaa dhigaya inay Soomaaliya ay yeelan doonto labo xisbi qaran oo Keliya.

War uu soosaaray madaxweyne hore Farmaajo ayaa sheegay in wax-ka-bedelka hab-dhiska dowladda iyo dastuurta inay keeni karto in dalku uu dib ugu noqdo xasilooni darro iyo hubanti la’aan haddii aan loo marin wadada saxda ah.

“Sidaas darteed in laga guuro hannaanka Baarlamaaniga ah ee ka jira dalkeenna, lana laalo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waa masuuliyad ka baxsan awoodaha Hay’adaha Dawladda, maadaama ay taabanayso masiirka dalka,” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka Farmaajo.

“Sidaas darteed in laga guuro hannaanka Baarlamaaniga ah ee ka jira dalkeenna, lana laalo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waa masuuliyad ka baxsan awoodaha Hay’adaha Dawladda, maadaama ay taabanayso masiirka dalka,” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka Farmaajo.

Maxamed Farmaajo Madaxweyne hore Waxa uu digniin u diray baarlamaanka federaala ah isaga oo ugu baaqay in ay ka digtoonaadaan ansixinta qodobbada taabanaya jiritaanka dowladnimada ee aan loo marin hannaanka saxda ah, sida uu sheegay. Waxa uu ka digay in go’aamadaas ay abuuri karaan kalsooni darro bulsho iyo jahwareer siyaasadeed.

Waxa uu ku baaqay in la dhegeysto aragtida Dowlad Goboleedka Puntland oo ka maqan Madasha Wadatashiga Qaran si loo xaqiijiyo matalaaddooda ku aaddan arimaha masiiriga ah, taas oo uu sheegay in aan looga maarmayn dawlad dhiska Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More