Musharax Madaxweyne Farmaajo oo qaatay shahaadada Diiwaan gelinta Musharaxnimada.

May 09 (Jowhar.com)–Madaxweynaha mudo xileedkiisa Dastuuriga ah uu dhamaaday Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa goordhow qaatay shahaadada musharaxnimo, isagoo tegay xarunta Aqalka Sare, halkaasoo ay ka socoto diiwaan gelinta musharixiinta.

Farmaajo ayaa ku biiraya ku dhawaad 40 musharax oo u taagan xilka madaxtinimo ee Soomalaiya, kuwaasoo maanta iyo shalay is diiwaan galiyay, iyagoo bixiyay lacagta diiwaan gelinta ee Afarta Kun ee doolar.

Is diiwaan gelinta Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa timid saacado kadib markii uu  si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay musharax mar kale u taagan inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo shacabka ka codsaday in mar kale ay fursad siiyaan.

“Baaqa koowaad waxaan u dirayaa xildhibaanada sharafta leh ee labada Aqal, waxaan ka codsanayaa inay codkooda i siiyaan, si aan wadajir ugu guuleysano oo u hormarino dalka iyo dadkeena, una sii socodsiino is bedel doonkii soo bilowday Febraayo 2017-kii,” ayuu yiri Farmaajo oo xalay muuqaal laga soo duubay loo qeybiyay warbaahinta.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More