Farmaajo oo la kulmay Madaxweynaha dalka Ghana Nana Akufo-Addo.

Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceed barbar socda Shir-madaxeedka 35-aad ee Midowga Afrika, la qaatay dhiggiisa Jamhuuriyadda Gaana Mudane Nana Akufo-Addo.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iyaga oo ay Madaxweyneyaashu isla qaateen in ay si buuxda isaga kaashadaan horumarinta iyo ka wada shaqaynta danaha labada dowladood iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Gaana.
Farmaajo ayaa ka qeybgalaya Shir-madaxeedka 35-aad ee Midowga Afrika, isagoo sidoo kale uu dhawaan la kulmay ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More