Dec 23(Jowhar)-Wadahadallo dhex maray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo Madaxweynaha Jubaland ayaa la iskula meel dhigay in Farmaajo uu booqasho rasmi ah ku tago magaalada Kismaayo, inta u dhexeysa 5-ta ilaa 8-da bisha Janaayosanadka cusub.
Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Madaxweynihii hore uu safarro dibadeed ku tagi doono dalalka Qatar iyo Turkiga, kuwaas oo aan horey loo sii qorsheyn.
Wararka la helayo waxay tilmaamayaan in Farmaajo uu saakay u ambabaxayo safarradan, islamarkaana dib ugu soo laaban doono dalka lix maalmood gudahood, ka hor inta uusan bilaaban safarkiisa Kismaayo.
Booqashada la filayo ee Kismaayo ayaa imaneysa xilli ay jiraan wadatashi siyaasadeed oo ku saabsan arrimaha dalka, gaar ahaan xiriirka dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.










