Farmaajo oo safar ugu ambabaxaya maanta dalka Qatar

Mar 5 (Jowhar.com)-  Madaxweynaha mudo xilleedkiisu uu dhamaaday ee dalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maanta uu safar ugu ambabaxo magaalo madaxda dalka Qatar ee Doxa.

Farmaajo ayaa kula kulmi doona magaalada Doxa Amiirka Qatar Sheikh Tamim sida ay shaacisy wakaalada wararka ee Qatar.

Hase yeeshee ujeedada dhabta ah ee booqashada dalka Qatar ayaysan sheegin wakaalada wararka Qatar ee QNA.

Qatar oo shantii sano ee la soo dhaafay si weyn u taageereysay Maamulka Farmaajo ayaa la rumeysan yahay in dhaqaale fara badan ku bixin doonto dib u doorashadiisa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More