Farmaajo oo shacabka ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciiddul Fidriga

Madaxweynaha muddo xileedkiisu uu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciiddul Fidriga.

“Waxaan ugu hambalyeynayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo Muslimiinta Caalamka munaasabaddan qiimaha badan ee Ciiddul Fidriga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maalmahaan ku tilmaamay maalmo ay muslimiinta dhammaan u dabbaal degaan farxadda Ciidda, sidaa darteed waxa uu shacabka ku boorriyay in ay is garab istaagaan oo ay caawiyaan walaalahooda danyarta ah.

Dhanka kale madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ayaa ciidamada ammaanka u diray boogaadin isagoo sheegay in ciidamada ay har iyo habeen qorraxda iyo dhaxanta u taagan badbaadinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa umadda Alle uga baryay inuu soonka iyo salaadaha ka aqbalo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More