Farmaajo oo soo dhaweeyay magacaabista Xamse, dalabna u diray xildhibaanada.

June 15 (Jowhar.com)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka hadlay magacaabista ra’iisul waaaaraha cusub ee dalka Xamse Cabdi Barre oo galabta uu soo magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Farmaajo oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa soo dhaweeyay magacaabista, iyadoo Xamse uu noqonayo ra’iisul wasaarihii 21-aad ee uu dalkan yeesho.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Mudane Xamse Cabdi Barre oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Ra’iisul Wasaraaha Cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya” ayuu yiri Farmaajo.

Maxamed C/llaahi Farmaajo madaxweynihii 9-aad ee dalka ayaa dhinaca kale ka codsaday xildhibaanada iney codka kalsoonida siiyaan ra’iisul wasaaraha cusub, si uu u soo dhiso xukuumad sii ambaqaadda horumarka dalka ka socda.

“Waxaan Ra’iisul Wasaaraha magacaaban u rajaynayaa in uu Eebbe u fududeeyo gudashada mas’uuliyadda culus ee loo magacaabay, aniga oo Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka codsanaya in ay codkooda kalsoonida siiyaan, si uu u soo dhiso xukuumad sii ambaqaadda horumarka dalka ka socday” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Si kastaba, Raysal wasaare Xamse ayaa horey loo hadal haayay magacaabidiisa, waxaana la filayaa in maalinta sabtida uu hortago barlamaanka Soomaaliya si uu uga codsado inay siiyaan codka kalsoonida.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More