Farmaajo;”Waxaa dalka Soomaaliya ka dhacaya Doorasho xor iyo xalaal ah”

Madaxweynaha Soomaaliya ee mudo xilleedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in meel gabagabo ah uu marayo hannaanka in dalka ay ka dhacdo doorashooyin xor iyo xalaal ah, oo loo dhan yahay, taasi oo sida uu sheegay ay ka qeybgalayaan tirada ugu badan ee ka qeybgalayaasha doorashada Soomaaliya tan iyo dagaalladii sokeeye.

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeedinayay golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in doorashooyinkaasi ay udub-dhexaad u yihiin ilaalinta xuquuqda iyo rabitaanka muwaadiniinta Soomaaliya.

“Waxaa hadda meel gabagabo ah noo maraya hannaanka qabashada doorashooyin xor ah, xalaal ah, oo loo dhan yahay, taas oo ay ka qeybgalayaan tirada ugu badan ee ka qeybgalayaasha doorashada Soomaaliya tan iyo dagaalladii sokeeye. Doorashooyinkani waxay udub-dhexaad u yihiin ilaalinta xuquuqda iyo rabitaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed.”

Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xilli muddooyinkii u danbeeyey uu khilaaf u dhaxeeyey isaga iyo raysalwasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kale Farmaajo ayaa waxa uu ka hadlay xakamaynta iyo ka soo kabashada saameynta dhaqaale ee uu reebay cudurka COVID-19 iyo sidii dhammaan shacabka Soomaaliya loo wada gaarsiin lahaa tallaalka, dardar gelinta iyo dib-u-habaynta Qaramada Midoobay, Ilaalinta deegaanka iyo isbeddellada cimilada adduunka.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan idinla wadaago in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si degdeg ah uga jawaabtay Cudurkan Safmarkan ee u soo tallaabay dalkayaga. Qorsheyaashayadu waa kuwo mudnaanta koowaad siinaya badqabka caafimaad ee muwaadiniinteenna.”
Khudbadda Madaxweyne Farmaajo ee golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobay ayaa ahayd, mid la sii duubay oo iyada oo muuqaal ka baxaysay kulanka golaha.

 

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More