Finishku: Wax dammaanad ah kama helin NATO ka hor codsigooda

April 18 (Jowhar.com) – Finland wax dammaanad qaad ah kama helin Maraykanka ama NATO ka hor inta aysan gudbin codsigooda NATO ee suurtogalin kara ka mid ahaanshahooda. Sidaas waxaa sheegay ilo-wareedyo ka tirsan dowladda Iswiidhen oo la hadlay Saxafadda Maxaaliga ah.

Ilaha ayaa sidoo kale xaqiijinaya inta lagu guda jiro gudbinta codsiga iyo ka mid noqoshadda xubinnimada buuxda  ee NATO ayaa waxaa laga mujinaya caabsi dhanka amaanka ah.

Si kastaba ha ahaatee, Ilaa wareedyadan ayaan meesha ka saarin in nooc ka mid ah dammaanad qaadka amniga uu iman karo hadhow inta lagu jiro hab gudbinta codsiga. Si kastaba ha ahaatee, waxa loo arkaa inaanay suurtogal ahayn in dammaanad-qaadyada noocaas ahi ay ku xidhnaan karaan kiiskaas.

Labada dal  ee Sweden iyo Finland ayaa hadda haysta aqlabiyadda ku biirista isbahaysiga, sida ay muujinayso ra’yi ururin dhawaan la sameeyay. Laakiin xubinnimada NATO waxay ka careysiin doontaa Moscow, taas oo ka soo horjeeda balaariinta isbahaysiga ee agagaarkeeda.

Arrinta dammaanad qaadka amniga ayaa loo arkay inay muhiim tahay doodda NATO ee Finland.

Soo turjume Ali Musa
alimusa@axadletimes.com
Axadle media Group

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More