Gaari waxyaalaha qarxa lagu raray oo lagu gubay gobolka Shabelaha Hoose

Ciidanka sida gaarka ah ugu tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Jilib Marka ee ka tirsan gobolka Shabeellada hoose waxa ay ku gubeen Gaari waxyaalaha qarxa lagu soo raray.

Sarkaal ka tirsan ciidamada DANAB ayaa sheegay in gaari la gubay uu ku soo jeeday caasimada dalka ee Muqdisho.

Sidoo kale sarkaalkan howlgalka hogaamineysa ayaa u sheegay Warbaahinta in howlgalka qorshihiisu ahaa in laga hortago isku dayga Al-Shabaab oo gaari Saruf ah ku soo rarary qarax isla markaana doonayay in ay soo galiyaan magaalada Muqdisho si dad shacabka ah ee Sooman ay ku waxyeeleeyaan.

Ciidamada DANAB ee sida gaarka ah u tababaran ayna kaalmeyso dowlada Maraykanka ayaa howlgalo ka fuliya deegaano ka tirsan gobolada Shabeelooyinka oo ah gobalada xadka la leh caasimada dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More