Gabar ay dhashay Ilhaan Cumar oo la xirey lagana joojiyay Waxbarashada Jaamacadeed

April 19(Jowhar.com)-Isra Xirsi, oo ah gabar ay dhashay wakiilka xisbiga Dimuqraadiga ee Minnesota Ilhaan Cumar ayaa ka mid ahayd in ka badan 100 mudaaharaadayaal ah oo lagu xiray xarunta jaamacadda Columbia ee magaalada New York.

Waxa ay Isra Xirsi sheegtay in ay ka mid ahayd saddex arday oo laga joojiyey kulliyadda Barnard ka dib mudaaharaad Khamiistii ka dhacay Jaamacadda Columbia.

Isra Xirsi waxay ku qortay X inay tahay qabanqaabiye ka socda Jaamacadda Columbia Apartheid Divest, taas oo u ololaynaysa in jaamacaddu ka baxdo shirkadaha ku lugta leh xasuuqa.

Isra Xirsi, oo 21 sano jir ah ayaa sheegtay in aanay waligeed hore u canaanan ama aanay wax digniin ah ka helin Barnard intii ay ku jirtay dugsiga.

Booliska ayaa loogu yeeray inay kala jejebiyaan teendhooyinka ay dhiseen ardaydii mudaaharaadka dhigeysay.
Mas’uul u hadlay jaamacadda ayaa sheegay in tillabadan aan caadiga ahayn la qaaday markii ardaydu ay dhegaha ka fureysteen digniino kala duwan oo looga dalbaday inay ilaaliyaan xasilloonida islamarkaana ay abuuraan jawi nabdoon.

Tan iyo markii uu billowday dagaalka Qasa, waxaa jaamacadaha Mareykanka ku soo badanayey bannaanbaxyada laagu dalbanayo xabad-joojin rasmi ah oo halkaas ka dhalata.

Ilhan Cumar ka tirsan oo ka felcelisey tillaabada laga qaaday inanteeda ayaa xaqiijisay in Isra laga joojiyey Barnard College, sababtas qura ee loo haystaana ay tahay maxaad darenkaaga ugu cabbirtay bannanbaxa looga soo horjeedo xasuuuqa lagu hayo reer Falastiin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More