Gabar Kalkaaliso eheyd oo lagu dilay magaalada Muqdisho
Apr. 19 (Jowhar.com)-Kooxo hubeysan ayaa saaka degmada Yaaqshid ku dishay Naciimo Cabdiraxmaan oo kalkaaliso ka eheyd Isbitaalka Madiino ee magaalada Muqdisho.
Dilka gabadhan waxa uu si gaar ah uga dhacay xaafadda Juungal, waxaana geystay koox burcad ah oo dooneysay iney tilifoonkeeda ka dhacan gabadhan ka tirsaneyd bahda Caafimaadka.
Dad goob joogayaal ah ayaa kusoo waramay in Niciimo oo ka howlgaleysay isbitaalka Madiino iyo kooxda dhaceysay uu dhexmaray muran sababy dilka.
Danbiilayaasha oo watay Mooto Bajaaj ayaa toogashada kadib isaga baxsatay goobta, iyadoo daqiiqado kadib ay soo gaareen ciidamadda amaanka, kuwaasoo ku guul dareystay soo qabashada gacan ku dhiiglayaasha.
Si kastaba, Dilka gabadhaan dhalinyarada ah ayaa kusoo beegmaya, iyadoo mudooyinkii dambe amaanka Muqdisho uu ahaa mid kasoo yara hagaagayay sidii hore, kadib markii amaanka Muqdisho lagu wareejiyay ciidamo gaar ah oo si aad ah u tababaran