Gabar Muuqaalo soo dhigtay Barta TikTok oo Maxkamad la horgeeyay

Dec 18 (Jowhar.com)-Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa maanta horgeysay Maxkamadda gobolka Banaadir eedeysane Bishaaro Idiris oo ay soo xereen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaana lagu soo eedeeyay In ay ku xadgudubtay anshaxa iyo dhaqanka.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in uu talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono cid walba oo lagu helo ayada oo sameyneysa wax lid ku ah dhaqanka iyo anshaxa.

Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa ku eedeysay gabadhan caanka ka ah baraha bulshada in maalmahii lasoo dhaafay barta Tiktok ku baahineysay muuqaalo anshax-xumo ah oo aay aad u dhibsadeen bulshada Soomaaliyeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More