Gabar Soomaali ah oo ka noqotay duq magaalo dalka Maraykanka

Golaha Deegaanka magaalada South Portland ee dalka Maraykanka ayaa Deeqa Cabdi Dhalac u doortay in ay noqoto Duqa magaalada South Portland Gobolka Maine ee dalka Maraykanka.

Deqa Cabdi Dhalac oo ka tirsanayd Gollaha deegaanka magaalada South Portland,gaar ahaan xaafadda 5-aad waxay dalka Maraykanka gashay sanadkii 1992,waxayna wax ku baratay dalka maraykanka,iyadoo in muddo u adeegaysay dadka ku nool Magaalada South Portland ee Gobolka Maine ,gaar ahaa dadka soo galootiga ah.

Deeqa ayaa sanadkii 2018 loo doortay Golaha deegaanka Magaalada South Portland,gaar’ahaan Xaafada 5-aad.

Marwo Deqa Dhalac ayaa waxay noqnaysaa gabadhii ugu horraysay ee soo galooti Africaan Soomaali ah Muslim ah oo loo doorto Duqa magaalo ka mid ah magaalooyinka Maraykanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More