Galmudug iyo Hirshabelle oo isku heysta qofka noqonaya gudoomiye xigeenka Aqalka Sare.

April 22 (Jowhar.com) -Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu bilowday loolan xooggan oo loogu jiro cida nooqneysa gudoomiye kuxigeenka koowaad aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya,iyadoo doorashadiisa ay ka harsan tahay oo kaliya 3 cisho.

Cabdi Xakiin Macalin Axmed oo ka soo jeeda Galmudug iyo Cali Shacbaan oo ka soo jeeda Hirshabelle ayaa haatan u taagan tartanka kursigan, iyadoo meeshii ugu xumeyd uu gaaray dagaalka hanashada booskaas loogu jiro oo ay soo fara geliyaan ilaa madaxweynayaasha labada maamul.

Sida wararku sheegayaan, waxaa fashil ku soo dhamaaday shir saacado badan socday oo Senatarada labada maamul ka soo jeeda ay ku yeesheen hoteelka Jazeera, waxaana dhicisoobay qorshe la doonayay in senetarada Hirshabelle loogu qanciyo iney tartanka isaga haraan oo booskaasi loo daayo Cabdi Xakiin Macalin Axmed oo hore aqalka hoose uga tirsanaa.

Dhanka Hirshabelle waxaa shirka ku metelayay Senatarada kala ah Dufle iyo Afcadeey, halka dhinaca Galmudug ay ka joogeen Senatarada kala ah Dhagdheer,Zam zam iyo Duniyo, iyadoo arrintan ay xiiso u sii yeeleyso xamaasadda tartanka gudoonka aqalka sare.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More