Ganacsade caan ahaa oo xalay lagu dilay magaalada Baledweyne
Oct 05 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dil kooxo bistoolado ku hubeysan ay fiidkii hore ee xalay ka geysteen magaalada beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.
Dilka oo si gaar ah uga dhacay xaafada Howlwadaag ayaa lagu beegsaday nin ganacsade ahaa, kaasoo si weyn looga yaqaanay magaalada, waxaana lagu magacaabi jiray Xasan Xaaji Daahir oo Kamid Ahaa Ganacastada ugu caansan gobolka Hiiraan.
Ganacsadaha la dilay ayaa Mudooyinkii dambo Dhismo ka waday Kaliga waraaboolle oo ah goob laga dhisay biyo xireen, waxaana Dilkiisa ka danbeeyay Koox Hubeeysan Sida ay dad goobjoogayaal ah u sheegeen Hiiraanweyn.
Macluumaadka la helayo ayaa tilmaamaya in Xiliga la tooganayay marxuumka uu kasoo baxay goobtii uu dhismaha ka waday ee Kaliga waraaboolle.
Majiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka magaalada Beledweyn iyo saraakiisha ciidamada oo ku aadan dilka ninkaasi ganacsadaha ahaa.