Ganacsatada qaadka Kenya oo walaac ka muujiyay amar kasoo baxay Soomaaliya

Aug. 12 (Jowhar.com)-Beeralayda qaadka ee Kenya ayaa isha ku haya hoos u dhac ku yimid iibka kadib markii ay Soomaaliya siisay Itoobiya 10 maalmood oo ay si gaar ah uga heli karto suuqa qaadka bishiiba.

Warbaahinta Nation ayaa ku warrameysa in mid kamida ganacsatada qaadka uu u sheegay in maalmo kooban amar lagu siiyay in ay joojiyaan soo dajinta qaadka.

Arrintan ayaa timid kadib markii Itoobiya, sida la sheegay ay Soomaaliya u gudbisay cabasho ku aaddan awoodda Kenya ee suuqa Qaadka Soomaaliya tan iyo markii Madaxweyne Xasan Maxamuud uu xayiraadda qaadka ka qaaday Kenya sanadkii hore.

Guddoomiyaha ururka ganacsatada qaadka ee Maua Maxamed Quresh waxa uu sheegay in Itoobiya ay dabada ka riixayso in ay suuq u hesho maalmo qaadkeeda.

Mr Munjuri ayaa sheegay in awaamiirta ka soo baxday Soomaaliya ay ka dhigan tahay in aan wax qaad ah loo dhoofin doonin Muqdisho laga bilaabo habeenka Khamiista.

“Qorshahan laba toddobaad ka hor dowladda ayaan ku wargelinay, laakiin waxay u muuqataa in madaxda Kenya ay ka hortagi waayeen, Xaqiiqda ah in Itoobiya ay heshay maalmo ganacsi oo gaar ah oo uu si toos ah u riixay Ra’iisal Wasaarahooda, waxay muujinaysaa heerka faragelinta ee Kenya ay u baahantahay in ay muujiso. ” ayuu yiri Mr Muniuri.

Nyamita ayaa ku baaqday in si deg deg ah ay labada dal u yeeshaan wadashaqeyn laba geesood ah si loo baajiyo fulinta awaamiirta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More