Ganacsato kasoo jeeda magaalada Cadaado oo goordhow lagu dilay Dhuusa-mareeb

Oct 31 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in goordhow magaalada Dhuusa-mareeb lagu dilay laba qof oo kamid ahaa ganacsatada caanka ka ah Galmudug.

Sida wararku sheegayaan, labada qof ee la dilay oo lagu kala magacaabo Xasan Diirshe iyo Saciid Tahliil ayaa dilkooda salka ku hayaa arrimo la xiriira aanooyinka qabiilka.

Labada qof oo kasoo jeeda magaalada Cadaado waxaa rasaas huwiyay dabley aan la aqoonsan wali xili ay ku sugnaayeen bartamaha suuqa magaalada Dhuusa-mareeb.

Ciidamada amaanka oo soo gaarey goobta ayaa baaris wada, inkastoo aan wali la heyn faah faahin rasmi ah.

Dilkaan ayaa loo badinayaa in uu yahay aan qabiil uuna la xiriiro Dagaal shalay ka dhacay Deegaanka Xananbuure Oo ay ku dagaalameen Beelo ka soo kala Jeeda Degmooyinka Cadaado iyo Dhuusamareb

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More