Garsoore ka soo muuqan jiray maxkamadaha ciidamadda oo lagu dilay Muqdisho.

Sept. 02 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dil kooxo bistoolado ku hubeysan ay ka geysteen xaafad kamid ah caasimadda.

Sida wararka sheegayaan, Maxamed Warsame oo ahaa qareen ka difaaca maxkamadaha dadka dacwadaha lagu soo oogo ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho, iyadoo kooxihii dilkaasi ka danbeeyayna ay goobta ka baxsadeen

Marxuum Warsame, ayaa ka soo muuqan jiray maxkamadda ciidamada, waxa uuna inta badan difaaci jiray dacwadaha loo haysto Al-Shabaabka.

Amniga magaalada Muqdisho ayaa faraha ka sii baxaya, iyadoo shalay xaafado ku dhow madaxtooyada lagu garaacay Hoobiyayaal ay soo tuureen dagaal yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More