Garyaqaanka Guud oo ka hadlay dhul laga sharciyeynayo magaalada Afgooye

Qoraal uu soo saaray Garyaqaanka Guud ee dowlada federalka Dr Cismaan Cilmi Guuleed ayaa loogaga digay in la boobo dhulka dowladda ay leedahay,isla markaana la sharciyeeyo.

Gar-yaqaanka qoraalka uu soo saaray ayaa si gaar ah ugu socotay Maamulka degmada Afgooye oo la sheegay in qaar kamid ah dhulalka danta Guud ee degmada loo sharciyeynayo dad gaar ah.

Qoraalka ayaa lagu xusay inaan dhulka danta guud aan lagu takri fali karin, sifo sharci darro ahna lagu milkin Karin, cidna la sin Karin, loo cabbiri Karin, laga kirayn karin iyada oo aan loo marin habraac Sharciga Waafaqsan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More