Garyaqaanka Guud oo ka jawaab celiyay Dacwadda Kursiga HOP086

April 16 (Jowhar.com) – Xafiiska Garyaqaanka guud ee dowladda ayaa Maxkamadda sare ka dalbaday inay gebi ahaanba diido dacwadda uu soo gudbiyay Qareenka Fahad Yaasiin ee ku saabsanaa kursiga HOP086, isla markaana ayiddo go’aanka Guddiga FEIT ee ah in lagu celiyo qabashada Kursigiisa.
Garyaqaanka oo xiganayay dhammaan heshiisyadii doorashada ayaa soo bandhigay qodobo dhowr ah oo meesha ka saaraya waxyaabaha uu soo bandhigay dacwoodaha.

Qoraal ka kooban shan bog oo loo gudbiyay Maxkamada Sare ayaa Garyaqaanka Guud ee dowlada waxa uu ka codsaday inay ayido  guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal 2020/2021, ee summaddiisu tahay FEIT/2017/2022, ee tr. 17 Feb 2022, iyo Go’aanka kale ku soo baxay war-saxaafadeed tr. 06 April 2022, kuwaa oo loo gaaray hab-raac iyo hannaan waafaqsan wixii lagu heshiiyay.

 

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More